Koox hubeysan oo laba qof ku dishay magaalada Garoowe

May 04(Jowhar)Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar toogasho ah oo xalay daqdii dhexe ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda u ah maamulka Puntland.

Wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in Rag hubaysan ay laba nin oo mid ahaa waardiyaha xarun ganacsi ahaa ku diley agagaarka xarunta gobolka Nugaal ee bartamaha magaalada Garoowe.

Ragga falkan dilka ah geystay oo aan wali la aqoonsan ayaa goobta isaga baxsatay.

Laamaha ammaanka gobolka Nugaal ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan dhacdadaan bulshadana la wadaagi doonaan faahfaahin dhammaystiran.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More