Dowlada oo guulo ka sheegatay dagaal ka dhacay Hirshabelle
May 02(Jowhar)-Dowlada Federalka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ay Kooxda Alshabaab ku jebiyeen dagaal ka dhacay deegaan u dhexeeya Moqokori iyo Aadan Yabaal.
Dagaalkan ayay dowladu ku sheegatay in ay ku dishey ilaa 30 ka tirsan Kooxda Alshabaab ayna ka mid ahaayeen ajaanib,iyadoo baraha bulshada lagu soo bandhigey meyd.
“25 ka tirsan meydadkii Khawaarijta ay ka carareen ayaan gacanta ku haynaa, Saddex aag oo ay ka soo weerar tageena waan ku jabinay.”ayuu yiri Taliyaha Guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Xujaale.
Dagaalkan ayaa dhacay wax ka yar 24 saacadood kadib markii uu xilka la wareegay Wasiirka cusub ee gaashaandhiga Axmed Macallin Fiqi,waxaana uu wasiir Fiqi ku ammaanay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka guulaha ay ka gaareen dagaalka.
“Waxaan bogaadinayaa, si weyn u garab taaggannahay xaq u dirirka ciidamada Xoogga dalka iyo macawislayda Kula diriray khawaarijta deegaanada Muqluga Cali , Ceelhareeri, Hareeri Madoobe iyo Garas Magan iyo deegaanada kale kuwaasoo galabtay wacdaraha ugu dhigay Kooxda Khawaarijta, dhabarkana u saaray guuldarro xooggan ilaa lagu qasbay in ay ka cararaaan tobonaan ka mid ah maydadkoodii” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.