Cabsi laga qabo in Dabeylo xooggan ay maanta ku dhuftaan xeebaha Soomaaliya

May 26 (Jowhar) Dabeylo lixaad leh ayaa la saadaalinayaa in ay ku dhufanayaan xeebaha Soomaaliya maanta oi 26 bisha May oo Isniin ah ku beegan.

Xeebaha Kismaayo ilaa Hobyo waxaa odorasku tilmaamayaa in ay wajihi doonaan duufaan dhumucdeedu tahay 25kt iyo mowjado gaaraya in ka badan 2 mitir.

Badda waxaa la saadaalinayaa in ay kici doonto, waxaana looga digay kaluumeysatada in aanay badda galin oo ay xeebaha joogaan.

Khuburada ayaa ku talibaya in Warbaahinta gudaha ah ay baahiyaan farriimo looga digayo kalluumeysatada doomaha yaryar inay feejignaan dheeri ah muujiyaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More