Mareykanka oo miisaamaya mustaqbalka taliska militariga ee Afrika,”AFRICOM”
May 28 (Jowhar)-Mareykanka ayaa qiimeynaya mustaqbalka taliskiisa militariga ee Afrika, sida uu sheegay taliyaha ugu sareeya ciidamada maraykanka ee qaaradda Afrika.
Taliyaha AFRICOM, General Michael Langley ayaa ugu baaqay dowladaha Afrika inay fikradahooda ka dhiibtaan suurtgalnimada in la Maamulka magaalada Washington inuu baabi’iyo Taliskan.
Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ka fiirsanaya in la isku daro AFRICOM, oo noqotay talis juquraafi ah 2008dii iyo taliska Mareykanka ee Yurub, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka bishii Maarso.
Taliyaha AFRICOM, General Michael Langley oo la hadlay warfidiyeenada ka hor shirka madaxda difaaca Afrika ee Kenya ayaa sheegay in uu kala hadlay mas’uuliyiinta qaaradda arrintan.
“Waxaan la hadlay dhowr wasiir oo gaashaandhigga ah iyo dhowr madaxweyne waxaana u sheegay inaan qiimeynayno,” ayuu yiri Langley.
Wuxuu sheegay in dowladuhu ay fikradahooda ku saabsan mustaqbalka AFRICOM u sheegaan safiiradooda u jooga Mareykanka.
Kahor 2008dii, dhaq dhaqaaqyada militari ee Mareykanka ee Afrika waxaa lagu maamuli jiray amaro ka imanaya gobollo kale.
Abuuritaanka AFRICOM ayaa ka tarjumaysay danaha amniga qaranka Mareykanka ee qaaradda oo sii kordhaysa, taasoo ay ku jiraan Ururada Islaamiyiinta iyo tartanka Shiinaha iyo Ruushka.
Sidoo kale Galbeedka Afrika, halkaasoo ay ku soo badanayeen kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida iyo Dowladda Islaamiga ah sannadihii u dambeeyay, saameynta ammaanka Mareykanka ayaa hoos u dhacday ka dib markii dhowr jeer ay dhaceen afgambiyo militari.
Sanadkii la soo dhaafay, taliska talada haya ee Niger ayaa ku amray Mareykanka in uu dalka kala baxo ku dhawaad 1,000 askari oo ka tirsan militariga dalkaas, ayna baneeyaan saldhiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu dhisay 100 malyan oo dollar.
Langley waxa uu sheegay in Maraykanku uu si kastaba ha ahaatee la wadaagay xog sirdoon oo uu la wadaagay maamullada millatariga ee gobolka Saaxil oo uu raadinayo hab kale oo lagu sii wadi karo.