Shariif Sheekh Axmed oo furay Shirka mucaaradka uga socda magaalada Miqdisho
May 28 (Jowhar) Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Shariif Shekeh Axmed ayaa goordhow hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ka furay shir ay leeyihiin xubnaha mucaaradka ah, kaasoo looga hadlayo doorashada dalka, Dastuurka iyo Amniga.
Shariif Sheekh Axmed oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa madasha ka jeediyay ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka ee hadda iiray uu yahay mid uu danihiisa gaarka ah u sameystay madaxweyne Xasan.
“Guddi doorasho maahan, waa guddi Kooxeed oo Xisbi ayuu u adeegaa, Hal Xisbi inuu sameysto nidaam Doorasho oo dalkoo dhan ah miyaa ah wax la aqbali karo”. Ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wax la bedelka lagu sameeyay Dastuurka ayuu sidoo kale soo hadal qaaday, wuxuuna tilmaamay inaan heshiis lagu wada eheyd. Arrinkaasi.
“Madaxweyne Xasan ayaa hor boodaya Dastuurka Somalia wax ka badalkiisa, waana sharci darro”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.