Aqalka Cad oo walaac xooggan ka muujiyay Jihada uu madaxweyne Xasan ku wado Soomaaliya
May 28 (Jowhar) Sida lagu qoray mareegta Washington Posta Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa qiray niyad-jabka sii kordhaya ee Mareykanka ka haysta dowladda Soomaaliya iyadoo uu tilmaamay in Maraykanku uu ka walaacsan yahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu diiradda saaray siyaasadda.
Qoraalka oo aynu soo xiganay ayaa sidaan udhigana “iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu dib u eegis ku sameynayo siyaasadda Mareykanka ee Afrika — lana jarayo barnaamijyada gargaarka dibadda iyo taageerada ciidamada saaxiibada ah ee gobolka — dagaalyahannada al-Shabaab ayaa si xooggan ugu sii fidaya Soomaaliya.
Al-Shabaab, oo ah mid ka mid ah laamaha ugu khatarsan uguna maalgelinta badan ee al-Qaacida, ayaa dib u qabsaday magaalooyin muhiim ah saddexdii bil ee la soo dhaafay. Dagaalyahannadooda ayaa horey u qaaday weerar ka dhan ah saldhig ciidan oo Mareykanku leeyahay gudaha Kenya waxayna qorsheeyeen weerarro lagu qaado gudaha dhulka Mareykanka.
Xilligan labaad ee xukunka Trump, lama cadayn in maamulka Mareykanka uu weli mudnaan siinayo dagaalka lagula jiro kooxdaas — ama in dowladda Soomaaliya, oo muddo dheer la daalaa-dhacaysay musuqmaasuq, ay weli awood u leedahay inay hoggaamiso dagaalka.
“Maamulka Trump weli uma muuqdo mid ku qancay in al-Shabaab ay khatar toos ah ku tahay danaha Mareykanka,” ayuu yiri Matt Bryden, oo ah aasaasaha Sahan, hay’ad cilmi baaris oo fadhigeedu yahay Nairobi. “Laakiin haddii kooxdaasi sii ballaarato, waxa ay yeelan doontaa saameyn fog oo ku saabsan siyaasadda Mareykanka ee Afrika iyo Bariga Dhexe.”
Muddadii xukunkiisii hore, Trump waxa uu amar ku bixiyay in ciidamada Mareykanku ka baxaan Soomaaliya isla markaana shaqada ka soo gutaan dalalka deriska ah — istaraatijiyad ay ciidamada qaarkood ku sheegeen mid waqti badan qaadanaysa oo khatar ah. In kasta oo ciidamada Mareykanku ay hadda dib ugu soo laabteen Soomaaliya, haddana taageeradii la siin jiray ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ayaa laga laabtay, iyadoo dib loogu milicsanayo qorshihii lagu diri lahaa boqolaal askari oo Mareykan ah gudaha dalka. Inta badan tababarayaashii shisheeye ayaa ka baxay kaddib marka la jaray taageeradii amniga, halka kalsoonidii ciidamada Soomaalida ay hoos u dhacday. Dhinaca kale, xiisadda u dhaxaysa saraakiisha Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ayaa cirka isku shareertay.
Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa qiray niyad-jabka sii kordhaya ee Mareykanka ka haysta dowladda Soomaaliya: “Waxaan ka walaacsannahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu diiradda saaray siyaasadda gudaha halkii uu xooga saari lahaa la dagaalanka argagixisada,” ayuu sarkaalka u sheegay Washington Post.
Dowladda Soomaaliya ee ku tiirsan taageerada Mareykanka iyo howlgallada Midowga Afrika ayaa si sii kordheysa ugu leexanaysa Turkiga si ay uga caawiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagaxisada ah. Tani waxay tusaale u tahay sida hoos u dhaca xiisaha Mareykanka ee Afrika uu u sii adkeynayo xaaladaha amniga ee gobolka iyo sida uu u beddelayo isdhexgalka awoodaha caalamka.
Iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho waxaa ka mid ah heshiis la shaaciyay oo ku saabsan sahminta shidaalka, diyaarado aan duuliye lahayn oo Turkigu soo diray, iyo boqolaal askari oo bishii hore yimid caasimadda Soomaaliya — taas oo sii xoojisay joogitaanka Turkiga ee Geeska Afrika, isla markaana siisay Soomaaliya la-hawlgal amni oo kale si ay uga badbaado kalsooni la’aanta Mareykanka.