Dowladda Soomaaliya oo mucaaradka u diiday iney ku shiraan hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho

May 26 (Jowhar)Xubno mucaaradka kamid ah ayaa ku warramay in laamaha amniga ee dowladda ay amar dul dhigeen maamulka hoteelka Jazeera ee ku nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Miqdisho.

Macluumaadka ayaa intaasi kusoo daraya in amarka boolisna uu ku xusan yahay in shirka weyn ee mucaaradka ku balameen maalininada Arbacada ee todobaadkab laga wareejiyay hoteelka kadib culeys dowladda ay soo saartay.

Kulan looga tashanayo halka shirkaasi weyn uu ka dhacayo ayey caawa isugu imanayaan kucaaradka, iyagoo caawa kulan ku leh hoyga madaxweynihii 7-aad ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka Rooble, Khayre, Cumar Cabdirashiid, Saacid, Gudoomiyayaashii hore ee baarlamaanka Maxamed Mursal, Shariif Xasan, Xildhibaano labada Aqal ah iyo siyaasiyiin kale ayaa fadhigga caawa uu marti galiyay Sheekh Shariif ka qeyb galaya.

Kulanka waxaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa caburin dowladda ay saartay suxufiyiinta iyi shacabka caasimadda ee ka aragtida duwan, Abaabulka dowladda ee mucaaradka ka dhanka ah iyo sida ay tahay in looga falceliyo qorshaha mudo kororsi uu madaxweyne Xasan damacsan yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More