Agaasimihii Dalxiiska degmada Deyniile oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Jun 08 (Jowhar) Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar koox burcad ah xalay ay u geysteen mas’uul ka tirsan maamulka degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxdan oo qorto ku hubeysnaa ay xaafadda Cali Boy, gaar ahaan Masjiaka Macallin Ciise dil ugu geysteen agaasimihii Dalxiiska ee degmadaas Marxuum Cabdalla Sheekh Ibraahim Jiisow.

Dhaawac darran oo weerarkaasi kasoo gaaray ayuu isla xalay ugu geeriyooday Isbitaalka Digfeer oo loola soo cararay, iyadoo geeridiisa ay xaqiijiyeen qoyskiisa iyo xubno kamid ah degmada Deyniile.

Dabkeyda weerarkan geysatay ayaa sidoo kale hore usii qaadatay Bistoolad iyo Mobile uu watay marxuumka.

Ciidamo boolis iyo Nabad Sugid ah oo tagay halka dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgalo baaritaana ah, walow ay ku fashilmeen iney soo qabtaan danbiilayaashio falkaa geystay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More