Trump oo ka fiirsanaya inuu iska iibiyo gaarigiisa Tesla

Jun 06 (Jowhar) Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka fiirsanaya inuu iska iibiya gaarigiisa Tesla xilli ay isku dhaceen madaxa shirkadda Elon Musk.

Aqalka Cad ayaa BBC-da u sheegay in Trump aanu doonayn in uu maanta la hadlo maalqabeenka teknoolajiyada, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay telefoonka ku wada hadli doonaan maanta.

Trump ayaa maanta la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka, isagoo ku tilmaamay Musk inuu yahay “Nin maskaxdiisu ay ka luntay”,balse Musk ayaan jawaab ka bixin warka Trump.

Khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo la taliyihiisii ​​hore ayaa si cad uga dhex qarxay baraha bulshada maalintii Khamiista, isagoo Trump sheegay inuu ka niyad jabsan yahay dhaleeceynta Musk ee ku aaddan kharashkiisa.

Musk ayaa markaa Trump ku eedeeyay inuu ku abaal dhacay uuna la’aantiis ku guuleysan lahayn doorashada dalka Maraykanka.
Shirkadaha Musk, oo ay ku jiraan Tesla, SpaceX iyo Starlink ayaa heshiisyo toos ah la leh dowladda Mareykanka.

Saamiyada Tesla ayaa hoos ugu dhacay shalay illaa 14%,Balse waxa ay soo kabsadeen maanta, iyagoo kor u kacay qiyaastii 5%.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Trump iyo Milyaneerka Musk ayaa haatan gaaray meel aad u sareysa iyadoo laga cabsi qabo in uu sii xumaado xiriirkooda maalmaha soo socda.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More