Dowlada oo sheegtay in howlgal qorsheysan lagu diley 40 ka mid ah Alshabaab

Jun 06 (Jowhar) War ka soo baxay Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Ceel Hareeri ee gobolka Hiiraan lagu diley inkabadan 40 ka mid ah kooxda Alshabaab.

Hase yeeshee warka ka soo baxay dowlada Soomaaliya ayaan lagu cadeyn waqtiga uu dhacay howlgalka,mana jirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya.

Qoraalka ka soo baxay dowlada Soomaaliya laguna baahiyay wakaalada wararka SONNA ayaa u qornaa sidan;

In ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo saaxiibada caalamka, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaasi oo ahaa mid bartilmaameed ah una dhacay sidii loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday goob ay Khawaarijtu isku qarinayeen, iyada oo sidoo kale lagu burburiyay gaadiid ay saarnaayeen maleeshiyaadka.

Inta la xaqiijiyay waxaa lagu dilay howlgalkan, Abuu Anas, oo ay Khawaarijtu ugu yeeri jireen Horjoogaha Gaadiidka Jabhadaha iyo Maxamed Axmed (Xerow), oo ahaa horjooge kooxeed ka tirsanaa cadowga Khawaarijta ah. Sidoo kale, waxaa dhaawacyo culus la gaarsiiyay, Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), oo ah horjoogaha maleeshiyaadka Khawaarijta u qaabilsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug iyo Galgaduud, iyo Horjooge Jeylaani oo hadda ah horjoogaha ugu sarreeya ee jabhadaha Khawaarijta.

Horjoogeyaashaan oo qaar lagu dilay howlgalka, qaarna dhaawac culus lagu gaarsiiyay ayaa la rumeysanyahay in ay ahaayeen maskaxdii ka dambeysay abaabulka weerarada naf-la-caariga ah ee Khawaarijta ka wadeen gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhaxe, waxaana howlgalkaan uu si weyn u naafeeyay shirqoolladii ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Khasaaraha Khawaarijta soo gaaray ayaa la filayaa in uu intaas ka sii badanyahay, waxaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhow u la socotaa qiimeynta natiijada howlgalka, waxaana dib laga soo gudbin doonaa wax kasta oo ku soo kordha howlgalkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka, waxaa ka go’an in gebi ahaanba la ciribtiro Khawaarijta, kuwaas oo mar walba halis ku ah qarannimada iyo diinta Islaamka ee suubban.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More