Madasha Samatabixinta oo ka horyimid hannaanka loo xulayo Guddiga Xuquuqul Insaanka
Jun 07 (Jowhar) Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin inta badan madaxdii hore ee dalka ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo hakiyo habka loo xulaayo gudiga madaxabanaan ee xuquuqul insaanka.
Waxa ay sidoo kalena Madaxtooyada iyo Xukuumadda usoo jeediyeen in faraha ay kala baxaan xulashada Gudiga.
Qoraalka ay soo saareen ayey Dowladda Federaalka ugu eedeeyeen inay baal martay habraacyada dastuuriga ah.