Trump;” Si sahlan ayaan u dili karnaa Al Khumeini”

Jun 17 (Jowhar)-Madaxweyne Donald Trump ayaa digniino isdaba joog ah u jeediyay Iran, isagoo ku tilmaamay hogaamiyaha sare ee Ayatollah Ali Khamenei bartilmaameed sahlan wuxuuna sheegay in dulqaadka Mareykanka uu yahay mid sii yaraanayo.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth waxa uu ku daabacay .

“Waan ognahay sida saxda ah meesha uu ku dhuumanayo waxa loogu yeero ‘Hogaamiyaha Sare’. Isagu waa bartilmaameed sahlan, laakiin halkaas ayuu ammaan ku yahay – kama saari doono isaga oo ma dileyno, ugu yaraan hadda. Laakiin ma doonayno in gantaallo lagu rido dadka rayidka ah, Dulqaadkeena wuu sii yaraanayaa.”

Madaxweyne Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in ay si buuxda u xakamaynayaan hawada sare ee Iran.
Hadalka Trump ayaa u muuqda mid is burinaya isagoo hore u sheegay in aysan Maraykanka ku lug lahayn dagaalka Iiraan iyo Israel.
Hadalka Trump ayaa imaanaya iyadoo Israa’iil iyo Iiraan ay qaadayaan maalintii shanaad oo xiriir ah weeraro.

Qaraxyo ayaa ruxay Iran iyadoo gantaallo lagu garaacay Israa’iil weerarrada ayaa waxa ay socdaan maalintii shanaad oo toos ah.

Xarunta sirdoonka Israel ee Mossad ee Tel Aviv ayaa gantaalada Iraan lagu bartilmaameedsaday.
Dhimashada weerarrada Israel ee Iran ayaa kor u dhaaftay 220, oo ay ku jiraan 70 haween iyo carruur ah. In ka badan 24 qof oo Israel ah la diley 670 kalana ay ku dhaawacmeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More