Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo ka qeyb galay shir ka dhacay Turkiga

Aadan Madoobe Iyo Cabdi Xaashi Oo Ka Qeyb Galay Shir Ka Dhacay Turkiga

April 27 (Jowhar.com)-Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi ah ka helay dowladda Turkiga ayaa maanta ka qeyb galay shirka 5-aad ee Baarlamaanka Al-Qudus oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii xal waara loogu gaari lahaa arrinta walaalaha reer Falastiin, waxaana goobjoog ahaa madax kala duwan oo ka kala timid , Afrika, Aasiya, Ameerika iyo Yurub, waxana dhamman madaxda ay aragtidooda ku cabireen qadiyadda Falastiiniyiinta oo ay taageero buuxda u muujiyeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More