Xildhibaan ka tirsanaa Koofur Galbeed oo lagu dilay magaalada Muqdisho

April 27 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan hore uga tirsanaa maamul goboleedka Koofur Galbeed.

Xilshibaabka oo lagu magacaabi jiray Cali Cumar Gaab waxaa lagu dilay degmada Shibis, iyadoo dilkiisa ay geysteen kooxo bistoolado ku hubeysan.

Ciidamadda amaanka ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgal aan wax natiija ah ka dhalan.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay iney ka danbeysay masโ€™uuliyaddda dilka loo gaystay masโ€™uulkan, sida ay ku baahisay baraheeda bulshada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More