Inkabadan 100 Shabaab ah oo isu soo dhiibay DFS

April 27 (Jowhar.com)-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sheegtay iney soo dhaweyneyso maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ka soo baxaya safka Shabaab, iyagoo isku soo dhiibaya dowladda kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu cafis u fidiyay qof kasta oo ay qaldeen cadowga oo doonaya in uu dadkiisa si nabad ah ugu laabto.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay boqol maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira oo muddo dheer ka tirsanaa cadowga Khawaarijta ah ayaa iska soo dhiibay deegaannada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Muqdisho, kuwaas oo soo dhaweyn iyo daryeel ka helay dowladdooda sidoo kalena ka badbaadey shartii ay u diyaarinayeen Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhiira-gelinaysaa dhallinyarada ay qaldeen cadowga in ay isku soo dhiibaan dowladooda, sidoo kale dowladdu waxa ay bogaadineysaa kaalinta waalidiinta Soomaaliyeed ay ka qaateen in ay caruurtooda ka soo reebaan Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, Kuwa ka dhaga-adeyga in ay ka faaiidaystaan fursaddaan waxa ay wajihi doonaan Cadaaladda waxa ayna mari doonaan jidkii ay mareen kuwii ka horeeyay ee ku baxay Gacmaha Hay’adaha Amniga iyo Caddaaladda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More