Aadan Madoobe oo gudi baaris u saaray rabshadihii todobaadkan ka dhacay xarunta BFas.

August 09 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo soo baara dhacdadii nidaamdarada ee 7 bishan ka dhacday Xarunta Golaha, halkaasoo dhowr Xildhibaan ay fowdo ka sameeyeen fadhiga, mid ka mid ah Xildhibaannadana uu Guddoonkaku tuuray caag.

Guddigan oo ka kooban shan Xildhibaan ayaa la faray in warbixin ka keenaan natiijada ka soo baxda baaritaanka ay ku soo sameeyaan dhacdadaas waxay u soo gudbinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xubnaha guddigaan ayaa kala ah;

1. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa)

2. Xildhibaan Axmed Maxamuud Jaamac

3. Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin

4. Xildhibaan Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji

5. Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More