Weeraro ka dhacay Kenya iyo Shabaab oo u hanjabtay Soomaalida codka dhiibaneysa.

August 09 (Jowhar.com)-Iyadoo dadweynaha Gobolka Waqooy-bari Kenya ay saaka si nabad ah ugu dareereen goobaha codbixinta ayaa waxaa soo baxaya warar sheegayo in weerarro ay ka dhaceen goobaha qaar halka Al-Shabaab ay handadeen codbixiyeyaasha.

Xalay, Dagaal yahano looga shakisan yahay inay yihiin Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay weerar ku qaadeen deegaanno hoostaga Mandheera gaar ahaan aagga xudduudda, Wararku waxay sheegayaan in kooxda ay jartay isgaarsiinta deegaanka Carabiya oo bariga Mandheera.

Dadka deegaanka ee ku nool xudduudda ayaa ka gaabsaday inay la hadlaan warbaahinta maaddaama ay ka cabsanayaan Al-Shabaab, Sidoo kale waxaa jira warar soo baxaya oo ku saabsan in Al-Shabaab ay dadka ka hor istaagayso inay u safraan deegaannada bariga Wajeer si ay u soo codeeyaan.

Dad ku sugan tuulada Qarsa oo aan magacooda sheegin ayaa sheegay in maleeshiyaadka ay ku amreen dad saarnaa baabuur inay kasoo degaan, isla markaana waxay dab qabadsiiyeen baabuurkii.

Waxay intaa ku dareen in Al-Shabaab ay shacabka uga digtay inay codkooda dhiibtaan.Tuulada Konton ee ku taalla bariga Wajeer, waxaa laga maqlayay dhawaqa rasaas loo maleynayo inay soo ridday Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More