Aasaasihii Wikileaks Assange oo loo oggolaaday inuu guursado isagoo xabsi ku jira

Maamulka xabsiyada Britain ayaa aas aasaha shabakadda WikiLeaks Julian Assange u fasaxay inuu guursado inta uu xabsiga ku jiro, sida ay sheegtay Stella Moris oo ah gabadha uu doonayo inuu guursado.

Assange ayaa weli sugaya go’aan maxkamadeed oo muhiim ah oo ku saabsan suurtagalnimada in loo gacan geliyo Mareykanka.

Assange oo ku xiran xabsiga Belmarsh ee magaalada London ayaa waxaa aad u doonaya Washington si uu u wajaho eedaymo kala duwan oo la xiriira soo bandhigida dukumentiyo badan oo sir ah.

Maxkamadda sare ee Britain ayaa isku diyaarineyso inay go’aan ka gaarto racfaanka Mareykanka ee ka dhanka ah go’aanka maxkamadda hoose ee lagu horjoogsaday dhiibistiisa.

WikiLeaks ayaa bayaan ay soo saartay goor dambe oo Khamiista ku sheegtay in lammaanaha ay bilaabeen tallaabo sharci ah ka dib markii laga hor istaagay in ay is guursadaan.

Afhayeenka Adeegga Xabsiga ayaa sheegay in Codsiga Mr Assange la helay isla markaana la tixgeliyey si la mid ah maxaabiista kale ee ku xiran xabsiga.

Assange, oo 50 jir ah, ayaa lagu xiray Britain 2019 kadib markii uu toddobo sano ku qaatay gudaha safaaradda Ecuador ee London si uu uga fogaado in loo gacan geliyo Sweden halkaas oo uu wajahayay eedeymo ku saabsan faraxumeyn. Eedeymaha ayaa markii dambe meesha laga saaray.

Dowladda Mareykanka ayaa Assange ku soo oogtay 18 dacwadood oo la xiriira baahintii 2010-kii ee 500,000 oo faylal sir ah oo tafaasiil ka bixinayay ololihii militari ee Afgaanistaan ​​iyo Ciraaq.

Waxayna baahinta sirtani sababi kartaa in Maraykanka uu ku xukumo xabsi gaaraya 175 sano ah, in kasta oo kooxda sharciga ee Washington ay ku andacoonayaan in xukunkiisa suurtogalka ah ay adag tahay in la qiyaaso oo uu aad uga gaaban karo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More