Afhayeenka xukuumada Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay

Afhayeenka xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahin Nuur Macalimuu ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay uu xaalado caafimaad ugu maqnaa wadanka Turkiga.

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ku dhaawacmay qarax lagu weeraray gaari uu saarnaa bartamaha magaalada Muqdisho bartamihii bishii aynu ka soo gudubnay.

Afhayeenka ayaa garoonka diyaaradaha Aden Cade ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Soomaaliya,Saxaafada iyo asxaab kala gedisan.

“Waxaan u mahadcelinayaa xukuumada federalka gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya gargaarkii ay ii fidiyeen xilligii aan dhaawacmay haatana xaaladeydu ad ayay u wanaagsan tahay,”ayuu yiri Macalimuu.

Soo laabashada Afhayeenka xukuumada ayaa ku soo beegantay xilli lagu wado in dhawaan lagu qabto doorashada kursi uu hore u sheegay Macalimuu inuu isu soo sharaxo uuna kamid noqdo golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More