Saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka degmada Balcad oo dab qabsaday

Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in uu dab ka kacay saldhig ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen deegaanka Haanshiikh ee duleedka Waqooyi ee magaalada Balcad.

Dabkan ayaa la sheegay inuu sababay inuu ku fido baqaarada hubka ee ciidamada ku sugan saldhigaas kadibna ay qaraeen rasaastii iyo hubkii yiil baqaarka.

Qaraxyada hubka baqaarka yiil ayaa laga maqlay deegaano badan oo ka tirsan degmada Balcad iyadoo dadkana ay u fasirteen in dagaal uu ka dhacay halkaas.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dabkan uu ka bilowday korontada ay isticmaalayeen ciidamada,balse ugu dambeyntii lagu guuleystey in la damiyo.

Hase yeeshee majiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada AMISOM ee la xiriira dabka ka kacay saldhigga ciidamada AMISOM ee duleedka Waqooyi ee magaalada Balcad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More