Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo kormeeray Xarunta dhexe ee hay’ada

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha Xarunta dhexe ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo meel gaba-gabo ah maraya.

Agaasimaha ayaa ugu horeyn Warbixinta dhismaha xarunta dhexe ee Hey’adda ka dhageystay Injineerada gacanta ku haya dhismaha, iyagoo faahfaahiyay ka bixiyay heerarka uu soo maray iyo dhameystirka dhismaha iyo qalabeyntiisa, taas oo rajo weyn ay ka muujiyaan in dhamaadka sanadkaan ay dhameyn doonaan guud ahaan shaqada dhismaha iyo qalabeybta Xafiisyada uu ka koobanyahay dhismaha.

Agaasimaha Guud ee HSJ Md, Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa Injineerada kala hadlay dardargelinta dhameystirka dhismaha iyo qalabeynta Xafiisyada isla markaana ay ku dul shaqeeyaan howlihii lakala qaatay. Ugu dambeyn Agaasime Cabdul ayaa uga mahaceliyay injineerada shaqada wanaagsan ay qabteen.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More