Antonio Guterres ” Qaramada Midoobay waa ay sii wadi doontaa howlaheeda shaqo ee Suudaan.”

Apr. 24 (Jowhar.com)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in QM ay sii wadi doonto howlaheeda shaqo ee Suudaan.

Guiterres ayaa u sheegay kulan ay yeesheen 15ka xubnood ee golaha ammaanka isagoo sheegay in Qaramada Midoobay aysan ka baxaynin Suudaan. Ballanqaadkeenuna waa inaan dadka Suudaan ku taageerno rabitaankooda ku aaddan mustaqbal nabad ah oo ammaan ah.

“Waan sii wadi doonnaa dadaallada aan la leenahay saaxiibadayada si aan u xaqiijinno joojinta joogtada ah ee dagaalka sida ugu dhaqsaha badan. La shaqeynta hay’adaha samafalka ee goobta jooga, waxaan dib u habeyn ku sameyneynaa joogitaankayaga Suudaan si aan u sii wadno taageerada dadka Suudaan.Qaramada Midoobay ayaa boqolaal shaqaale iyo dad ku tiirsan ka rartay Khartoum iyo goobo kale oo ka tirsan Suudaan.

Guterres ayaa ku celceliyay baaqiisa ku aadan in ay joojiyaan colaada isla markaana ay u ogolaadaan dadka rayidka ah in ay ka baxaan goobaha ay dagaalada ka socdaan,isagoo intaa ku daray in QM ay sii wadi doonto shaqadeeda ay la leedahay shaqaalaheeda gudaha iyo dibada Sudan.

Dhinaca kale Isbitaalada Suudaan ayaa la daalaa dhacaya iyadoo rabshaduhu ay sii kordhayaan. Dhaawacyo badan ayaa ku go’doonsan dagaalka, sida laga soo xigtay Ururka Dhakhaatiirta Suudaan oo kormeera khasaaraha, iyagoo soo jeedinaya in dhimashadu ay ka badan tahay inta la og yahay.

Ugu yaraan 420 qof oo ay ku jiraan 264 rayid ah ayaa ku dhintay in ka badan 3,700 oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal u dhexeeya ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo kooxda loo yaqaano Rapid Support Forces (RSF).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More