Axmed Madoobe oo digniin culus dhanka amniga ah u diray xildhibaanada ku sugan Muqdisho

April 11 (Jowhar.com)- Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa soo bandhigay sababta uu magaalada Kismaayo wali ugu hayo xildhibaanadii lagu soo doortay xarunta gobolka Jubbada Hoose oo aan wali u soo guurin magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay hada tahay meel aan la kala saari Karin Hay’adaha amniga Dowlada iyo Al-shabaab isla markana ay si weyn iskugu milmeen loona baahan yahay in Xildhibaanadu ay ka taxadaraan amnigooda.

Axmed Madoobe oo la hadlayay xildhibaanada ka soo baxay Kismaayo ayaa sheegay in Baarlamaanku uu yahay hay’ada hooyada u ah dhamaan hay’adaha kale ee Dowlada balse ay nasiib daro tahay in Baarlamaanku uu shaqooyinkiisa u daba fadhiisto NISA isla markana ay garan waayan waajibkii dalka ka saarnaa shantii sano ee lasoo dhaafay.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa ku soo beegmay xili shaki badan ay dhalisay warbixin dhawaan ka soo baxday NISA oo ay ku sheegtay inuu socdo qorshe lagu dilayo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, iyadoo dad badan ay tilmaameen inuu jiro shirqool lagu dilayo ra’iisul wasaare Rooble oo kiisla dusha looga tuurayo kooxda Shabaab, si lamid ah khaarijintii Ikraan Tahliil.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More