Ciidamo aanooyin qabiil ugu dagaalamay magaalada Marka oo xabsiga la dhigay.

April 11 (Jowhar.com)- Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa markii u horeysay war ka soo saaray iska hor-imaad dhimasho sababay ciidamo ka tirsan Nabad Sugida ku dhexmaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh.Hoose.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay iney xabsiga dhigeen dhamaan ciidamadii ku lugta lahaa dagaalka, isagoo tilmaamay iney askartaasi ay haatan ku xiran tihiin xarunta baarista dambiyada C.I.D ee magaaalda Muqdisho, dhawaanna loo wareejin doono maxkamada ciidamada qalabka sida, si dacwadooda loogu qaado.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa uga digay Ciidamada inay hubkooda u adeegsadaan Aano qabiil, isla markaana ay muhiim tahay in si Nabadgalyo ah lagu wada noolaado, wuxuuna tilmaamay in talaabo adag laga qaadi doono cidii falkaasi ay ku soo cadaato.

Si kastaba, dagaalkii shalay oo saacad kudhow socday ayaa dhaliyay dhimashada laba askari iyo dhaawaca mid kale, iyadoo maanta xaaladda Marka ay tahay mid degan walow dadka wali ay dareemayaan cabsi, maadaama magaalada ay wada joogaan qabaa’ilka dhinacyadii diriray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More