Baarlamaanka Soomaaliya oo dood adag ka yeeshay Miisaaniyadda Qaranka.

June 28 (Jowhar.com)-Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan guud oo wadajir ah ayaa dood adag geliyay Miisaaniyadda Qaranka.

Ajandaha kulanka oo ahaa akhrinta labaad ee Miisaaniyadda Qaranka 2022 ayay Xildhibaannadu dood iyo su’aalo geliyeen xisaab xirkii miisaaniyadda Qaranka sanadihii la soo dhaafay iyo miisaniyadda hortaala oo ay ku jiraan odoros miisaaniyadeed iyo Mashaariic u baahan is waafajin iyo faahfaahin meelaha qaar.

Su’aalaha Xildhibaannada waxaa ka jawaabayay Wasiirka Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo howlwadeena kale oo la socday, waxaana dooda oo dheeratay lagu balamay maalinta berri ah si ay u sii socoto.

Wasiir Beyle wuxuu sheegay in 193 milyan oo deyn dulsaar leh lagu heysto oo aan Baarlamaanka la keenin 2020-2021 iyo in aanu codsan Xisaab xirka 4-tii sano ee ugu dambeysay, wuxuuna eedda ugu badan ujeedinayay Guddoonkii hore Golaha Shacabka oo ka qaban jiray xisaab xirka Miisaaniyadda, balse aanay Baarlamaanka u soo gudbin jirin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More