Banaanbax looga soo horjeedo Senatar Kenyan ah oo ka dhacay xaafada Islii

Banaanbax looga soo horjeeday war ka soo yeeray Sanatar Kimani Wamatangi ayaa shalay ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Xildhibaanka degmada Kamakunji oo ay xaafadda islii ka mid tahay ee magaalada Nairobi, Yuusuf Xasan Cabdi, ayaa sheegay in dadka reer Islii ay ka carroodeen hadal uu warbaahinta dalkan Kenya dhawaan ka sheegay

Sanatarka ismaamulka deegaanka Kiambu oo ahaa in xaafadda Islii ay khatar ku tahay amniga dalka isla markaana lagu iibiyo hub oo waliba ay dadku hub haystaan.

“Eedaynta uu soo jeediyay Senatarkan waa mid waxba kama jiraan ah,waxaana ugu baaqeynaa siyaasiga hadalku ka soo yeeray inuu raali galin ka bixiyo haddii ay taa dhici waydana sharciga ayaan la tiigsan doonaa.”ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xasan.

Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa hadalkiisa sii raaciyay in xubno uu kamid yahay ay baareen hubka uu sheegay Senatorka in lagu iibiyo Xaafadda Islii balse baaristooda ay ku waayeen caddeymo ama raad muujinaya jiritaanka warkaan.

Dad badan oo ka hadlay banaanbaxa looga soo horjeeday warka ka soo yeeray Sanatar Kimani ayaa si carro ay ku jirto u dhaleeceeyay sanatarka waxayna sheegeen in Islii ay tahay meel ammaan ah dhaqaale badana soo gelisa dalka Kenya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More