Maxay ka yiraahdeen qoyska Ikraan Tahliil warka ka soo baxay Maxkamada Ciidamada

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa ku gacan sayrtay natiijada hordhaca ah ee ay soo saareen Guddigii loo xilsaaray Kiiskii Marxuumad Ikraaan tahliil, iyadoo ku tilmaantay mid marin habaabin ah.

Xeer ilaalinta maxkamadda milatariga Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan usoo bixin wax caddaymo ah oo muujinaya in Ikraan Tahliil Faarax ay ku maqan tahay gacanta saraakiisha hay’adda nabadsugidda NISA.

Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa horey u sheegay in gabadhoodu ay ku maqan tahay hay’adda nabasdugidda ee NISA, waxayna sheegeen inay doonayana inay caddaalad helaan.

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil sheegtay in wali caddaalad ay ka sugayso Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble, iyadoo codsatay in si cadaalad ah baaritaan dhab ah loogu sameeyo Kiiska.

“Natiijada ka soo baxday guddiga ama aha wax la qaadan karo waxaan sugeynaa caddaalad.”ayay tiri Ikraan Hooyadeed.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo la xiriira natiijada hordhaca ah ee uu ku dhawaaqay xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida.

Ikraan Tahliil Faarax ayaa markii ugu horeysay la waayay ilaa 26 bishii June Sanadkan.

Muddo ka dib ayaa qoraal ay soo saartay hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka waxaa lagu sheegay in ay Alshabab Afduubteen ka dib-na ay dileen.

Balse Al-shabab ayaa dhankooda beeniyay warkaasi iyaga oo sheegay in aysan ku lug lahayn kiiska Ikraan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More