Beesha caalamka oo Baaq Deg-deg ah ka soo saartay dagaalka Laascaanood

Feb. 07 (Jowhar.com)-Qoraal ka soo baxay wadamada iyo hay’adaha saaxibada la ah Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan rabshadaha haatan Laascaanood ka socda ee sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.

Waxa ay Beesha Caalamka ku baaqday in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalada ka soconaya magaalada Laascaanood.

“Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Wadamada iyo hay’adaha qoraalka sida wadajirka ah ugu soo saaray ayaa kala ah; Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More