Qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay caawa magaalada Jowhar

Feb. 07 (Jowhar.com)-Weerar bambaano oo lagu qaaday guri ku yaal  xaafada Horseed ee magaalada Jowhar ayaa sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca saddex kale.

Qaraxyadan oo la sheegay inay ahaayeen labo bam gacmeed ayaa lagu tuuray guri ay dad rayid ah degenaayeen,waxaana laga maqlay dhawaaqa qaraxyada dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar iyo nawaaxigeeda.

Qofka ku dhintey weerarkan qaraxyada ah ayaa magaciisa lagu sheegay Siciid Maxamed Suufi,waxana uu ka mid ahaa dhalinyarada ku nool xaafada Horseed ee magaalada Jowhar.

Ciidamada Ammaanka ayaa tegey goobta ay qaraxyadu ka dhaceen iyagoo ka sameeyay baaris lamana sheegin cid loo qabtay weerarka qaraxyada ah.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan dowlad goboleedka Hirshabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More