Beesha caalamka oo hanjabaad culus u jeedisay maamulka Somaliland

Apr. 17 (Jowhar.com)-Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray kulamo maalmihii lasoo dhaafay ay la yeesheen Somaliland iyo SSC oo ah dhinacyada isku haya colaada Laascaanood.

Xubnahan oo war kulul soo saaray waxey sheegeen in sii socoshada dagaalka Laascaanood oo galay Todobaadkii 10-aad ay ka dhalan doonto in ay Beesha Caalamka dib u eegayso dhammaan mashaariicaha iyo wada shaqeynta ay la leedahay Somaliland.

Waxa ay sidoo kale tilmaameen in labada dhinacb ee isku haya Sool ay sheegaan nabad iyo wada hadal, balse aan fulin marnaba, loona baahan yahay in fulin laga wada hadlo lana abuuro jawi ciidamada looga saarayo aagaga oo dhan.

15 dal oo beesha caalamka ah ayaa warkan wadajir usoo saaray, waana fariintii ugu adkeyd ee la duldhigo maamulka Hargeysa ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi, majirto wax falcelin ah oo wali kasoo baxday Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More