Booliska gobolka Banaadir oo sameeyay howlgal lagu soo qabtay dad dhac geysanayay.

May 31 (Jowhar.com)- Ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa xalay howlgalo balaaran ka sameeyay xaafado kamid ah qeybta Bari ee magaalada Muqdisho, iyadoo howlgalka looga jawaabayay cabasho ka imaneysay dadka shacabka ah.

Howlgalka oo saf balaaran ahaa ayaa si gaar ah uga dhacay degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshid, iyadoo intii baaritaanada ay socdeen uu saameeyay isu socodka gaadiidka iyo dadka, waxaa sidoo kale yaraa dhaq dhaqaaqa ganacsi ee goobaha laga howlgalayay.

Sida wararku sheegayaan, baaritaanadan lagu qabqabtay tiro dad ah oo isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalena dhac geysanayay, kuwaasoo lagu qaatay gawaari shabaqlayaal ah oo ay ciidanka booliska wateen.

Taliye kuxigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii looga hortegi lahaa Al-Shabaab oo mararka qaar falal Amni darro ka geysta degmooyinka Bari, Ciyaal Weerarada iyo Kooxaha Burcadda ah ee dhaca u geysanaya Shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More