Xasan Sheekh oo Baydhabo gaaray iyo kulamo ka socda xarunta madaxtooyada.

May 31 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayay ayaa goordhow gaaray magaalada Bayshabo ee caasimadda KMG-ka u ah maamulka Koofur Galbeed.

Wafdiga Xasan Sheekh oo ay kamid yihiin taliyaha ciidanka Xoogga dalka,xubno kamida labada gole ee dowladda iyo mas’uuliyiin kale waxaa garoonka Shaati Guduud ku soo dhaweeyay madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen iyo xubno kale.

Sida wararku sheegayaan, madaxweynaha ayaa la filayaa inuu xariga ka jaro xarunta cusub ee madaxtooyada loo dhisay, Mudane Xasan ayaa kulamo kala gooni gooni la yeelan doona Madaxda Sare ee Koonfur Galbeed, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo Odayaasha Dhaqanka oo uu kala hadli doono sidii ay si dhaw u wada shaqeyn lahaayeen.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa inuu maalmaha soo socda safar ku kala bixiyo xarumaha dowlad goboleedyada, Baydhabo waxaa qorshaha xiga u ah madaxweynaha magaalada Dhuusa-mweeeb ee caasimadda maamulma Galmudug.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More