Boqortoyada Sacudi Carabiya oo uga mahadcelisay Soomaaliya qabashada Bandhigga Expo 2030

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan Al Saud oo khadka taleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya CabdiSaciid Muuse Cali ayaa uga mahadceliyay sida Soomaaliya ay u garab istaagtay Sacuudiga in Bandhigga Expo 2030 lagu qabto magaalada Riyadh.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo gobolka, aduunkaba iyo arrimaha labada dal si gaar ah u quseeya.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Dowlada Soomaaliya ayaa leh xiriir wanaagsan oo iskaashiga labada dhinac ah.

Waxayna wasaarada arrimaha dibbada Soomaaliya bilowday toddobaadyadii la soo dhaafay dardargelinta xiriirka iskaashi oo ay dowlada Soomaaliya la leedahay wadamada caalamka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More