Faahfaahin  qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan qarax goor dhow ka dhacay isgoyska Ceelgaabta magaalada Muqdisho oo ka mid ah baraha laga galo madaxtooyada si weyna loo ilaalo.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay agagaarka isgoyska Ceelgaabta ee Muqdisho, waxana qaraxa ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Hase yeeshee wararka ayaa sheegayaa in qaraxan lala beegsaday baabuur ay saarnaayeen qaar ka mid ah ergada dooranaysa xildhibaanada gobolada Waqooyi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More