Buundada magaalada Baardheere oo go’oday

Nov 09 (Jowhar.com)- Wararka ka imanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in buundadii kala qeybinaysay magaaladaasi ay go’oday kadib markii ay ay saameeyeen fatahaadda Webiga iyo daadadkii ku dhuftay degmadaasi oo ay maalmihii u dambeeyay Roobab xoog leh ka da’ayeen.
Buundada Baardheere oo la dhisey sanadkii 1978 waxa ay muhiim u ahayd isku socodka dadka iyo gaadiidka maadaama Magaalada Baardheere uu Webigu dhex maro.

Dhibaatadan dhacdey ayaa sameyn xaga nolosha ah waxay ku yeelaneysaa kumanaan Qoys oo degan daanta galbeed ee magaalada.

Roobabka iyo fatahaadaha ka jira dalka Soomaaliya gobolo ka mid ah ayaa sababay in dad ka badan soddon ruux ay dhintaan halka kumanaan kalana ay ka barkaceen guryahooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More