Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhambaal gaarsiiyay Amiirka Qatar

August 31 (Jowhar.com)- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta dhambaal uu ka sidey Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Amiirka Qatar.

Ergeyga oo casuumad rasmi ah ku tegay dalka Qatar maalintii shalay ayaa maanta kulan la qaatay wasaaradda Arrimaha debedda, isaga oo u gudbiyay dhambaal qoraal ah oo uu ka siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud kaas oo ku aaddanaa sidii Dowladda Qatar uga qeybqaadan lahayd gurmadka Abaaraha Soomaaliya ku dhuftay.

Ergeyga aya ka sokoow dhambaalka uu gudbiyay waxa uu si faahfaahsan uga warramay Amiirka xaaladda daran ee ka dhalatay abaarta ka taagan waddanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More