Ruushku oo xiray dhuumaha gaaska Yurub ee Nord Stream 1

August 31 (Jowhar.com)-Ruushka ayaa gabi ahaanba joojiyay gaaska uu siin jiray Yurub isagoo sheegay in loo baahan yahay dayactir.

Shirkadda tamarta ee dawladda Ruushka, Gazprom, ayaa sheegtay in xannibaadaha dhuumaha Nord Stream 1 ay socon doonaan saddexda maalmood ee soo socda.

Shirkada Gaaska ayaa beenisay eedeyamaha ah in tamarta gaaska ay u isticmaalayso sida hub dagaal oo ka dhan ah wadamada reer galbeedka.

Dhuumaha ayaa la xiray 10 maalmood bishii Luulyo – mar labaad si loo dayactiro, sida uu sheegay Ruushka – waxayna dhowaan ku shaqeyneysay 20% kaliya sababtoo ah waxa Ruushku ku tilmaamay qalab khaldan.

Hogaamiyayaasha Yurub ayaa ka cabsi qaba in Ruushku uu sii dheereeyo maqnaanshaha isagoo isku dayaya inuu sare u qaado qiimaha gaaska, kaas oo horeyba aad kor ugu kacay sanadkii la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, ku dhawaaqista maanta lama fileyn in ay saameyn ku yeelato qiimaha isla markiiba. Qiimaha gaaska dabiiciga ah ee ugu weyn Boqortooyada Midowday ayaa runtii hoos u dhacay in ka badan 15% suuqyada, laga bilaabo 14:00 BST Arbacadii.

Korodhkan sare u kaca waxa uu halis gelinayaa in uu abuuro dhibaato nololeed oo qaali ah bilaha jiilaalka, taas oo ku qasbi karta dawladaha in ay balaayiin ku bixiyaan si ay culayska u yareeyaan.

Talaadadii, wasiirka tamarta ee Faransiiska Agnes Pannier-Runacher ayaa ku eedaysay Ruushka “in uu gaaska u isticmaalo hub dagaal”.

Waxay hadlaysay kadib markii Gazprom ay sheegtay inay joojinayso gaaska ay siiso shirkadda tamarta Faransiiska ee Engie.

Laakiin afhayeenka madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa diiday eedeymaha – wuxuuna ku adkeystay in cunaqabateynta reer galbeedka ay sababtay hakadka iyadoo dhaawaceysa kaabayaasha Ruushka.

Waxa uu ku adkaystay in “dhibaatooyinka tignoolajiyada” ee ay sababto cunaqabatayntu ay tahay waxa kaliya ee ka hor istaagaya Ruushka in uu gaaska ka keeno dhuumaha, isaga oo aan la cayimin waxa ay dhibaatadu tahay.

Dhuumaha Nord Stream 1 waxa ay ku fidsan tahay 1,200km (745 mayl) oo hoos timaada badda Baltic kana ka soo jeeda xeebta Ruushka ee u dhow St Petersburg ilaa waqooyi bari ee Jarmalka.

Waxa la furay sannadkii 2011-kii, waxaanay ugu badnaan 170 milyan oo mitir kuyuubik oo gaas ah ka diri kartaa Ruushka maalintiiba.

Xigasho;BBC

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More