Cabdirisaq Ciid oo ku guuleystey Kursiga HOP063

Mar 23 (Jowhar.com) –Doorasho saddex wareeg la isla gaaray oo maanta ka dhacday magaalada Beledweyne ayaa waxaa ugu dambeyntii ku guuleystey Cabdirisaaq Cabdillaahi Ciid.

Cabdirisaq Cabdulaahi Macalin iyo Daahir Xaaji Aadan ayaa u gudbay wareegga labaad ee doorashada hase yeeshee wareegii labaad ayay min konton cod heleen iyadoo hal codna uu xumaaday,

Sidaa darteed ayaa wareeg saddexaad la isla aaday waxaana wareeggii saddexaad ku guuleystay Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin Ciid oo helay 56 cod, halka Daahir xaaji Aaden uu helay 44 cod.

Kursigaan ayaa ka mid ah noqday kuraastii ugu adkeyd doorashadii golaha Shacabka tan iyo markii ay bilaabatay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More