Cali Guudlaawe oo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintey qaraxyo ka dhacay Beledweyne

Mar 23 (Jowhar.com) -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa aad u cambaareeyay falkii argagixiso ee caawa ka dhacay afaafka hore Madaxtooyada Magaaalada Beledweyne oo ay ku geeriyoodeen Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, Xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa tilmaamay in cadowga argagixisada ay marwalba qorsheeyaan xasuuqa dadka waxgalka u ah bulshada lagama maarmaana ay tahay in meel looga soo wada jeesto.

Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay ehellada iyo qaraabada dadkii ku nafwaayay weerarkii bahalnimo ee caawa waxa uuna alle uga baryay in naxariistii janno uu ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxa uu alle u waydiiyay caafimaad deg deg ah.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray hay’addaha amniga in baaris deg deg ku sameeyaan falkii caawa dhacay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More