Cabdiraxmaan Cabdishakuur,Waare iyo Avv Dhagey oo si kulul uga hadlay dilka Xildhibaan Aamina

Mar 23 (Jowhar.com) -Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeynaya weerar ismiidaamin ah oo caawa lagu diley allaha u naxariistee Aamina Cabdi Maxamed oo ka mid ahayd xildhibaanadii baarlamaanka tobnaad si weyna haatan ugu ololeynaysay in markale la soo doorto.

Musharax Madaxweyne ahna xildhibaan dhawaan la soo doortay Cabdiraxmaan Cabdishakuur,Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo La Taliyaha arrimaha sharciga ee Ra’iisul Wasaaraha Avv. Cumar Dhagey ayaa ka mid ah siyaasiyiinta dilka Xildhibaan Aamina ka hadlay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook waxa uu u qornaa sidan;

“Waxaan tacsi murugo iyo tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dadkii caawa lagu laayey weerarrada argagexiso ee Beledweyne ka dhacay. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa ehelka iyo asxaabta Allaha u naxariistee xildhibaanad Aamino Maxamad Cabdi.Aamino waxay aheyd shakhsi dulmiga diiday, caddaaladda u hiilliyay una taagnaa difaaca xuquuqda muwaadinka, taasina waxay ka dhigtay geesiyad ku nool damiirka shacabka Soomaaliyeed.
Maanta ayaan ka digay weerarrada abaabulan ee lagu beegsanayo dadka dulmiga diiday ee difaacayay xuquuqda muwaadiniintana, si loo cabsi geliyo inta aamusan, ama ku fekeraysa in doorashada soo socota ay isbeddel ka u hiiliyaan.

Waxaa sii xoogaysanaya tuhunka laga qabo in weerarrada argagexiso ee doorashada lagu carqaladaynayo, laguna beegsanayo mucaaradka, aysan Al-Shabaab ku ekeyn ee ugu yaraan loo fududeeyey.

Mar kale ayaan ku celinayaa, Raysalwasaare Rooble iyo xukuumaddiisa waa in ay qaadaan tallaabooyin masuuliyadda amniga looga saarayo gacanta kuwa argagexisada la shaqaynaya ama ku hawlan fulinta ajandayaasha shakhsiga ah. Haddii aydaan qaadi karin, fadlan dadka yaan la hoosaasin oo u caddeeya in aadan awoodin.

Sidoo kale La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Avv. Cumar Dhagey ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku yiri “Waxaan tuhunsanahay in Xildhibaan Aamino dilkeeda lala xiriirin karo kiiskii Ikraan iyo dadkii lagu eedeeyay”.

 

 

Siyaasiyintii ka hadashay dilka Aamina ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare waxana bartiisa Twitterka uu ku qoray ereyo macnahoodu uu ahaa;
“Ma caadi baa in dadka dhaliila Villa Soomaaliya ay dilaan Alshabaab? Miyaan aqbalnaa tan oo aan ka dhaqaaqnaa? Waa ayo Alshabaab hadda? Kani waa dil ay fullisay Villa Soomaliya, Wax ka yar ma jiro. Allaah naxriistiisa haku siiyo”.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More