Cali Jeyte oo aqbalay xilka loo magacaabay sheegayna inuusan ka tanasulin qadiyada Hiiran State

Oct 30 (Jowhar.com)-Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa soo dhaweeyay magacaabista uu shalay u magacaabay Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu noqdo u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisleyda Soomaaliya,hase yeeshee uusan ka tanaasulin qadiyada Hiiraan State.
Cali Jeyte ayaa sheegay inuu aqbalay xilkaas isla markaana uu ugaga mahadcelinayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waan aqbalay xilka uu ii magacaabay Madaxweynaha,waxaan eebe ka baryayaa inuu igu asturo,waan ku faraxsanahay xilkaas waana uga mahadcelinayaa Madaxweynaha.”ayuu yiri Cali Jeyte oo qabtay shir jaraa’id.

Cali Jeyte u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee arrimaha ciidanka Macawisleyda Soomaaliya ayaa ka codsaday dowlada federalka,madaxda dowlad goboleedyada iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed in loo istaago sidii dalka looga saari lahaa wax uu ugu yeeray nimanka dhiigga bani’aadamka caadeystey.

Dhinaca Kale Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay inaysan waxba iska bedelin qadiyada Hiran State oo ay sideedii tahay.
“Dad badan ayaa isoo wacay kuwaasoo i weydiinaya inaan ka tanaasulay arrinta Hiran State,dadka waxa ay ogyihiin shir ka dhacay degmada Maxaas ayna ka qeybgaleen siyaasiyiin,oday dhaqameedyo, ganacsato waxana uu madaxweyne Xasan Sheekh soo jeediyay in dib loo dhigey siyaasadaha isdiidan maantana lala dagaalamo Alshabaab marka dagaalka la galo oo lahelo miis lagu wadahadli karo in la isugu yimaado.”ayuu yiri Cali Jeyte.

“Wadahadalkii Maxaas wax aan ahayn meesha kama jirin in dagaalka la galo siyaasadana dib loo dhigo oo aan ku qanacnay ayaa dukuminti laga dhigey oo si rasmi ah loogu dhawaaqay balse qadiyada Hiran State ma ahan dukaan Cali Jeyte,wixii aan shalay qabno ayaan qabnaa ee dadka aan Siyaasada ehelka ahayn waxaan ka codsanayaa inay joojiyaan arrimaha ay ka shaqeynayaan.”ayuu yiri Cali Jeyte.

Ugu dambeyntii Cali Jeyte ayaa sheegay in uusan ka tanaasulin qadiyada Hiran State.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More