Yaa isku heysta milkiyada shirkada blue sky energy?

Oct 30 (Jowhar.com)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay meel xasaasi ah marayso dacwad u dhexeysa Milkiilihii aasaasay shirkadda Blue Sky Energy Ganacsade Xuseen Yuusuf Macow iyo rag la sheegay in ay shirkada ku soo galeen maalgelin.

Dacwad u dhexeysa milkiilaha Shirkada BSC iyo raggan maalgelin ku soo galay ayaa waxa ay socotaa muddo ku dhow saddex sano.

“Waxaa la isku dayay in si qoys ahaan loo xaliyo mushkilado iyadoo inku dhow 15 jeer loo fariistey balse waxba kama soo bixin caqabado ay keeneen ragga maalgelinta ku soo galay shirkadda oo aan milkiyada lahayn”ayuu yiri mid kamid ah dadka aadka ugu dhow dhow khilaafkan.

Ganacsade Xuseen Yuusuf Macow oo ah aasaasihii shirkaddan ayaa markii uu arkay in raggan ay sheeganayaan milkiyada shirkadda waxa uu go’aansaday in horgeeyo laamaha caddaalada gaar ahaan Maxkamada gobolka Banaadir.

Ragga maalgelinta ku soo galay shirkaddan oo magacyadooda lagu kala sheegay Cabdulaahi Maxamuud Sabriye”Gureey Guulane” iyo Cabdiqadir Xasan Ciise”Boqoljirow” ayaan maalgelintooda ahayn mid ay shirkada maalgashanayaan balse waxaa la sheegay in ay ay doonayeen inay u dulaalayeen Shirkada Dahabshiil gaar ahaan Damal Investment (Dahabshiil International bank).

Sida ay sheegeen dad xogogaal u ah arrintan raggan sheeganaya milkiyada shirkadda Blue Sky Energey “Gurey iyo Boqoljirow” waxaa mas’uul ka ahaa markii ay ku soo biirayeen shirkadda nin lagu magacaabo Ciise Cibaar Axmed kaasoo oo uu aaminay Ganacsade Xuseen Yuusuf Mocow.

Hase yeeshee labadan nin ayaa si aan sharci ahayn waxa ay saami dhan 100/51+ ka iibiyeen shirkadda Dahabshiil iyagoo sheeganaya milkiyada Shirkada.

Si kasta ha ahaateen Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa u fariisatay oo dhagaysatay dacwadan tiro labo jeer ah waxaana lagu wadaa in dhawaan ay ka gaarto maxkamada go’aan maxkamadeed la xiriira Milkiyada Shirkadda Blue Sky Energy.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More