Browsing Category
NEWS
NEWS
Isbitaalka Martini oo dib u bilaabaya adeeggii caafimaadka guud
Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa sheegtay in Isbitaalka martiini ee magaalada Muqdisho uu dib u bilaabi doono howlihii caadiga ahaa ee bulshada u haayay .
Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal hambalyo ah u direy Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jambuuti ismaaciil Cumar Geelle oo markale dib loo doortay.
” Waa guul xoojinaysa…
Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Baydhabo
Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax is miidaamin ah uu goor dhow ka dhacay Maqaayad ku taal bartamaha magaalad Baydhabo.
Faahfaahin ka soo baxaysa sarkaal ka tirsan Nabad Sugida oo lagu diley Kismaayo
Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Nabadsugida Jubaland ayaa ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa, kaas oo barqadii maanta ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo.
Puntland oo ugu baaqday Farmaajo in aanu fashilin gogosha Afisyooni
Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu ku soo laabto gogosha Afisyooni, kaddib markii maalin ka hor Xukuumadda shaacisay inay burbureen wada hadaladii socday.
Dowlada oo sheegtay in Amniga Doorashada uu la wareegayo Ra’iisul Wasaare Rooble
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowlada federalka oo loo direy Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble lagu wareejinayo Amniga…
Ismaaciil Cumar Geelle oo markale loo doortay Madaxweynaha dalka Jabuuti
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleysatay doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, kaddib markii uu helay 98.41% codadkii dadweynaha reer Jabuuti doorashadii shalay.
Akhriso: Wasaaradda A. Dibadda Somalia oo qoraal u dirtay Golaha Ammaanka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa warqad u dirtay Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee xilka ka degaysa Linda Thomas-Greenfield taas oo jawaab u ah hadal ay March 31 ay Golaha ka sheegtay.
Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Aw-Dheegle iyo Bariire oo la dalacsiiyay
Dowlada Somalia ayaa dalacsiisay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degaanada Bariire iyo Aw-dheegle ee ka tirsan gobolka Sh/hoose sababo la xiriira dagaalkii ay dhowaan la galeen dagaalamayaasha Alshabaab.
Taliyaha ciidanka Xoogga dalka…
Seyga Boqorada Ingiriiska Prince Philip oo geeriyooday
Prince Philip, oo ahaa Boqoradda Elizabeth II ninkeeda, ayaa geeriyooday isagoo 99 jir ah, sida uu shaaciyay qasriga Buckingham.
Maxkamad ka hortimid Xiridda Xeryaha Qaxootiga Kenya
Garsoore Kenyaan ah ayaa is-hor-taagay go’aanka ay Dowladda Kenya ku dooneyso in ay ku xirto laba xero-qaxooti oo ay ku sugan yihiin boqolaal kun oo qof oo badankood ay ka soo jeedaan Soomaaliya, sida lagu sheegay nuqul ka mid ah amarka…
Dowladaha Masar iyo Uganda oo iska kaashanaaya amniga iyo sirdoonka
Dowladaha Masar iyo Uganda ayaa kala saxiixday inay iska kaashaadaan arrimaha sirdoonka milateriga, sida laga soo xigtay wasaaradda difaaca dalka Uganda.
Shacabka dalka Jabuuti oo maanta u dareeray doorasho
Shacabka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa maanta oo Jimca ah u dareereen codbixinta doorashada 2021 oo ay ku tartamayaan Madaxweynaha xukunka haya Ismaaciil Cumar Geelle iyo Musharaxa madaxa bannaan ee Sakariye Ismaaciil Faarax.
Dagaaladii u dhexeeyay Canfarta iyo Soomaalida Ethiopia oo la joojiyay
Waxaa magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya lagu soo gabagabeyay wadahadal u dhaxeeyay madaxweynayaasha dowlad deegaannada Soomaalida iyo Canfarta kaasi oo xal loogu raadinayo dagaallo maalmihii la soo dhaafay labada qoomiyadood…
Beesha Caalamka oo ku baaqday in deg deg loo bilaabo shirka arrimaha doorashooyinka
Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay warkii ka soo baxay dowlada federalka ee shirka Doorashooyinka ee ahaa inuu fashilmay shirkii uga socday Muqdisho madaxda dowlada federalka iyo Madaxda Maamul goboleedyada dalka.
War Saxafadeed ay…
Shirka Golaha Wasiirada oo loogaga hadlay qodobo muhiim ah
Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay amniga, abaaraha iyo saameynta Caafimaad ee dalka uu ku yeeshay Safmarka Covid-19.