Browsing Category
NEWS
NEWS
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay sanadguurada 61aad ee aasaaska ciidanka Xoogga dalka
Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa manta soo saaray qoraal la xiriira xuska sanadguurada 61-aad ee ka soo wareegay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka.
DEG DEG: Taliyaha Booliska G/Banaadir oo sheegay inay joojiyeen Kulankii Baarlamaanka
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq John ayaa sheegay inay joojiyeen kulankii maanta ee Baarlamaanka, iyadoo ciidamo fara badan la dhigay Isgoysyada magaalada.
Madaxweynaha Galmudug “Sax ma ahan muddo kordhin, dad baa eed ka qaadi doona…”
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo wareysi siiyay mid ka mid ah telefshinada ayaa sheegay in aanay sax aheyn in xilligan uu dhaco muddo kordhin, isagoo tilmaamay in dalka uu doorasho geli doono.
Wararkii u dambeeyay shirka Golaha Shacabka iyo shakiga ku aadan muddo kororsiga
Shaki iyo guux weyn ayaa ka soo baxaya shirka maanta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ku leeyihiin Xarunta Villa Hargeysa.
Sheekh Shariif “Waxaa ka digeynaa muddo kordhin sharci darro ah, haddii…”
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay isku day kasta oo muddo kordhin sharci darro ah, maasaama uu waqtigii ka dhacay Madaxweynaha, goloyaasha sharci dejinta ee dowladda…
Baarlamaanka oo berri ka doodaya mooshin ku saabsan doorashada iyo Ciidamo la dhigay
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa berri kulan degdeg ah yeelanaya, iyadoo goordhow uu farriin qoraaleed u dhacay xildhibaannada oo ku saabsan mooshin ku saabsan doorashada qaranka.
Tallaalka Covid 19 ee lagu farsameeyay Shiinaha oo Muqdisho la keenay
Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo degtay maanta diyaarad siday tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 ee lagu farsameeyay dalka Shiinaha.
Maxaabiis loo haysto burcad badeednimo oo Muqdisho laga soo dejiyay
Maxaabiis loo haysto dambiyo la xiriira burcad badeed ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kadib markii laga soo wareejiyay xabsi ku yaal magaalada Garowe.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo isku bedelay Wasiirada labo Wasaaradood
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta isku bedelay Wasiirada labo Wasaaradood oo ka tirsan Xukuumaddiisa.
Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska oo lagu dilay Muqdisho
Kooxo hubeysan ayaa goordhow degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ku dilay Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska oo lagu magacaabayay Mahadi Cali Cilmi.
QM, Midowga Yurub, IGAD iyo Midowga Afrika oo qoraal wadajir soo saaray
Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, IGAD iyo Midowga Afrika ayaa qoraal wadajir ah ka soo saaray xaalada Soomaaliya, iyagoo walaac ka muujiyay.
Beesha Caalamka oo bilowday u kala dab-qaadida Hoggaamiyeyaasha Soomaalida
Beesha Caalamka ayaa bilowday dadaalo ku aadan sidii la isugu keeni lahaa madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, si ay dib ugu laabtaan gogosha Teendhada Afisyooni, si loo ambaqaado wada hadaladii heshiiska doorashada.
Talaal uu soo saaray dalka Shiinaha oo maanta la keenayo Muqdisho
Dowladda Shiinaya ayaa maanta la filayaa inay Muqdisho keento Tallaalka Covid-19 oo horay dalkeeda u soo saaray.
Xuutiyiinta Yemen oo diyaarado Drones ku weeraray garoomo ku yaal Sacuudiga
Jabhadda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in diyaarado drones ah oo waxyaabaha qarxa laga buuxiyay ku weerareen labo garoon diyaaradeed ku yaalla dalka Sacuudiga.
Ciidamo Miino Baaris ka sameeyay wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad (Sawiro)
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 3-aad qeybta 27-aad ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyey wadada isku xirta degmada Balcad iyo degaanka Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe.
Baaritaankii dilkii Guddoomiyihii hore ee degmada Hodon oo la soo gabagabeeyay
Guddigi loo xil saaray baaritaanka dilkii guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhegajuun ayaa sheegay inay soo gabagabeeyeen ayna ku xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.