Ciidamadda Amaanka oo Muqdisho ku qabtay rasaas iyo rag falal amni daro geysanayay.

June 28 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal balaaran oo xalay ciidamada booliska gobolka Banaadir ay ka sameeyeen degmooyinka dhaca qeybta Bari ee magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo si gaar ah looga sameeyay degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Hiliwaa, ayaa lagu soo qabtay Mandooriyaal, Rasaas iyo shaqsiyaad Amni daro lagu eedeyay, kuwaasoo ay laamaha amaanka xabsiyada u taxaabeen.

Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Calasow Xasan iyo Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif oo ku hadlayay Magaca guddoomiyeyaasha saddexdaas degmo ee howlgalka laga sameeyay ayaa sheegay inuu sii socon doono baaritaanada ilaa laga soo afjaro kooxaha falalka amni daro ku hayo shacabka.

Si kastaba, Ciidamada ayaa howlgalka oo guri guri ahaa ku burburiyay Sandaqado lagu iibinayay waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalena laga helay rasaas farabadan iyo Agab kale oo looga qeyb qaadan karo falalka Amni darro oo uu dhaca qeybta ka yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More