Meydadka 50 qof oo tahriibayaal ah oo laga helay dalka Mareykanka.

June 28 (Jowhar.com)-Ugu yaraan 46 qof oo la rumeysan yahay in ay yihiin dad muhaajiriin ah ayaa meydkooda laga dhex helay gaari nooca xamuulka qaada duleedka magaalada San Antonio, ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

Sargaal ka tirsan shaqaalaha dab damiska ayaa sheegay in 16 qof oo kale oo ay ku jiraan 4 caruur ah ayaa sidoo kale isbtaalka loola cararay.Dadkii ka badbaaday dhacdadani ayaa waxaa “aad u kululaa jirkooda” waxaana ka muuqtay daal badan.

San Antonio, oo 250 km u jirta xuduudda Mexica ayaa ah waddada ay dadka soo mariyaan kuwa wax tahriibiya.Taliyaha booliiska San Antonio William McManus ayaa sheegay in baaritaanka hadda lagu wareejiyay wakiilo ka socda dowladda dhexe, saddex qofna ay xabsiga ku jiraan.

Barasaabka xisbiga jamhuuriga ee gobolka Texas Greg Abbott ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden inuu mas’uul ka yahay dhimashada, isagoo ku sifeeyay in ay tahay”natiijadii ka dhalatay siyaasaddiisa xuduudda ee dilaaga ah”.

Cimilada San Antonio waa mid aad u kulul bilaha xagaaga iyadoo heerkulku uu gaaray 39.4C (103F) Isniinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More