Deni oo amar culus dul dhigay saraakiisha booliska Puntland, kadib kulan uu la yeeshay.

June 28 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay Taliska Ciidanka Booliska Puntland, iyadoo kulanka uu ka dhacay madaxtooyada Garoowe.

Sida wararku sheegayaan, Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga Cabdisamad Gallan, Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Maxamed Cali Xaashi, Taliye-xigeennada iyo qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha ayaa warbixin Amni iyo shaqada Booliska ee socota ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska, wuxuu Madaxweynuhu boggaadiyay sida Ciidanka ay har iyo habeenba ugu heelan yihiin sugida Amniga, isagoo faray in ay sii dardar geliyaan gudashada waajibaadkooda.

Kulankan ayaa ku soo aadayo iyadoo dhawaan kooxo Cabtooy ahaa ay dileen taliyihii saldhigga booliska magaalada Qardho, sidoo kale faraha uu ka baxay amniga magaalada Gaalkacyo oo kooxaha bistooladaha wata ay dilal ka geystaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More