Ciidamadda Somaliland oo gacanta kusoo dhigay nin dil ka geystay gudaha hoteel ku yaala Hargeysa.

Nov. 26 (Jowhar.com) -Ciidamada booliska Somaliland oo howlgal culus ka sameeyay magaalada Hargeysa ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu dilay wiil dhalinyaro ahaa.

Sida booliska sheegeen, Eedeysanaha oo lagu magacaabo Baashe Faarax Cabdi ayaa loo heystaa in uu dilay  Marxuum Jimcaale Rashiid Xasan ina Nuura Suudi oo 25 sano jir ahaa.

Warka booliska ayaa lagu cadeeyay in dilka oo ka dhacay gudaha Hoteelka Niil Ee Magaalada Hargeisa loo adeegsaday tooreey, wuxuuna weerarkan dhacay Abaaro 2:30 Habeenimo ee Xalay.

Laamaha amaanka ee maamulka Somaliland ayaa ku goodiyay iney talaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan cid kasta oo dil geysata, iyagoo sheegay in kiiskan uu cafaalada wajihi doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More