Dagaal culus oo mar kale saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood

Feb. 07 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in aroortii hore ee saaka uu dagaal culus dib uga qarxay magaalada Laascaanood, kaasoo u dhexeeya ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Dagaalka saaka oo ka culus midkii shalay ayaa si gaar ah uga socdo aagga buurta sayidka,halkaasoo laga maqlayo rasaasta noocyadeeda kala duwan, iyadoo shacabka ay bilaabeen iney isaga barakacaan xaafadohooda.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka saaka, hadana dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in khasaaraha xoogiisa uu ku kooban yahay dhinacyada dagaalamaya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in saraakiil ka barbar dagaalameysay Somaliland ay u goosteen dhinaca SSC, saraakiishan ayaa la sheegay iney ahaayeen kuwo u dhashay gobolka Sool.

Waxaa la soo warinayaa in gurmadyo kala duwan ay kala gaarayaan dhinacyada diriraysa, waxeyna xaalada u muuqataa mid marba marka ka danbeysa kasii dareyso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More