Dagaal ku dhex maray Macawisley iyo Alshabaab deegaanka Yaaq-Biriweyne

Aug. 09 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in maleeshiyo kuwa deegaanka ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab uu dagaal ku dhex maray deegaan ku dhow Yaaq-Biriweyne iyadoo dagaalkana uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida laga soo xigtey Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ku sugan deegaanka Yaaq-Beriweyne illaa lix ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab ayaa ku dhintey dagaalka halka mid ka mid ah macawisleyda halkaa ku sugan uu ku geeriyooday.

“Waxaan maqalnay in gaadiid Alshabaab ay wataan ay doonayaan inay ka gudbaan wadada laamiga ah,jidgooyo ayaan u dhigney lix ayaan ka dilnay hal mujaahidna waa naga geeriyooday baabuurna waa ka gubnay.”ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Alshabaab oo la xiriira dagaalan.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu baahinayay warar iska soo horjeeda oo qaar ka mid ah beelaha dega Shabelaha Hoose ay ku eedeynayeen xildhibaan Daahir Amiin Jeesow inuu doonayo dhuballaarsi.

Hase yeeshee Xildhibaan Jeesow ayaa beeniyay in sababo kale uu u joogo Yaaq-Biriweyne isagoo sheegay inuu halkaas ka abaabulayo macawisley la dagaalama Alshabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More